Askari darawal u dilay 10-kun shilin Soomaali oo la qabtey

Image

JOWHAR, HirShabelle - Askari ka tirsan milatariga Soomaaliya oo darawal gaari u dilay 10-kun shilin Soomaali ah ayaa Talaadada maanta ah la qabtey, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Falkan ayaa isla maanta waxa uu ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Sawirka askariga ayaa si weyn loogu faafiyey baraha bulshadda.

Marxuumka ayaa magaciisu ahaa Saylac Cabdulle Aw-Axmed. Xubno kamid ah qoyskiisa ayaa u sheegay saxaafadda in muran uu dhexmaray labada dhinac kahor inta aysan dhicin toogashadda.

"Meesha ay wax ka dhaceen waa isbaaro. Saylac wuxuu haayay 190-kun shilin Soomaali, isbaaradana waxaa la iska qaadaa 200-kun shilin Soomaali," ayuu yiri qof kamid ah ehelka marxuumka.

Wuxuu raaciyey: "Isbaarada waxaa joogtey laba askari. Mid kamid ah wuxuu ogolaadey in ay qaataan 190-kun, balse kan dilka geysan doona ayaa soo istaagay rasaas kusoo riday Saylac sidaas ayuuna ku dhintey".

Sidda ay sheegayaan warbixinadda, Maxkamadda Ciidanka ayaa la wareegtay askariga la sheegay in uu ka dambeeyay toogashadda. Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay xeerbeegtada maxkamadda.

Saddex maalmood kahor, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal kusoo maray gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka digay isbaarooyinka wuxuu xusay in qofkii shacab dila uu mari doono ciqaabteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM