Askari dilay Haweeney ganacsata aheyd oo dil lagu xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidamada Soomaaliya, ayaa maanta shaacisay inay xukun dil toogasho ah ku riday Askari kamid ahaa militeriga, oo lagu soo eedeeyay inay geystay fal dil ah.

Cabdullaahi Cali Cumar ayaa loo heystay dilka Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo ganacsata aheyd, dilkaas oo ka dhacay degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose 23-kii May, 2019.

Eedeysanaha oo muddo baxsad ka ahaa hey’adaha Amniga ayaa xafiiska Xeer Ilaalinta bishii August ee Sanadkan waxa uu weydiistay Garsoorka in la siiyo waaran lagu soo xiri karo Cabdullaahi Cali Cumar oo baxsad ah, waxayna xilligaas aqbashay Maxkamadda Codsiga dacwad oogayaasha.

Cabdullaahi Cali Cumar ayaa soo galay gacanta hey’adaha Amniga 28-kii September, waxaana xilligaas lagu soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta oo codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo inta maxkamadda laga soo taagayo.

Dadka ay dhageysatay Maxkamadda waxaa kamid ah Sarkaalkii u talin jiray Dable Cabdullaahi Cali Cumar, kaasi oo sheegay in eedeysanaha uu dhuumaaleysi ku ahaa waddada xiriirisa Yaaq Biri Weyne, IIdow Jaalle ilaa Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo uu ka geysan jiray dhac. Xukun waxaa ka furan Rafcaan ku siman 30-Cisho.

Mudooyinkii dambe, xukunada maxkamadda ayaa noqday kuwa sii kordhayay, iyadoo dadka la horkeeno ay u badan yihiin dhalinyaro lagu eedeeyay inay katirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo dilal lagu xukumo.

Hay'adaha Xuquuqul Insaanka ayaa ku eedeeyay Maxkamadda inay fuliso xukuno ka baxsan sharuucda caalamka ee dadka dembiyada geysta, iyagoo sheegay in kuwa la toogtay ay ku jireen kuwa aan helin xukun cadaalad ah.

Dadka qaar ayaa aaminsan in dhalinyarada lagu xukumo dilalka toogashada ay u badan yihiin kuwa kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay, iyadoo aan la siinin fursad ay ku qabsadaan qareeno madax-banaan, oo u dooda.

Waxaa jira dhowr Askari oo sanado badan kahor ay Maxkamadda ku ridday xukun dil ah, balse aan wali lagu fulin, taasi oo shaki gelisay hanaanka cadaaladda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM