Askari "dishay" horjoogeyaasha Al-Shabaab oo la abaalmariyey

Image
Image
Image
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa goob fagaaraha ah ku bixiyey lacagtan oo dhan tobban kun doolar.

BELEDWAYNE, Hiran - Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa goob fagaaraha ah oo ku taalla degmada Maxaas kula wareejiyay lacag dhan $10.000 Askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad.

Sida ay warisay saxaafadda, askarta ayaa shalay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degmada Moqokori waxay ku dileen laba xubnood oo kamid ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

"Labada Askari oo fulay howlgalkaasi ayaa gacanta loo galshay lacagtii uu horay ugu ballan qaaday guddoomiye Jeyte ciidanka dowladda iyo kuwa dib-u-xoreynta deegaanka," ayay qortey wakaaladda SONNA.

Xildhibaanno baarlamaanka fedaraalka yo baarlamaanka Hirshabelle, saraakiil ciidaan, maamulka degmada Maxaas iyo boqolaal dadweyne ah ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda.

Howlgalka lagu khaarijiyey horjoogeyaasha Al-Shabaab oo macluumadkiisa ay bixiyeen dadka degaanka ayaa, sida ay qortey warbaahinta dowladda, wuxuu ka dhacay magaaladda Moqokori ee isla gobolka Hiiraan.

Horjoogeyaasha la wariyey in laga takhalusay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Siraad Cumar Gacal, oo lagu sheegay in uu ahaa madaxa maaliyadda gobolka Hiiraan ee Al-Shabaab, iyo Deerow, oo ah taliye urur.

Sidda ku xusan warbixinadda warbaahinta dowladda, waxaa sidoo kale isla howlgalkan lagu dilay darawalka qaaska ah ee saraakiishan. Balse, lama soo bandhigin magaciisa. Al-Shabaab ayaan wali ka hadlin sheegashadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM