Askari kasoo howlgalay Soomaaliya oo loo xukumay sawir uu diray

Image

LONDON, UK – Askari hore, kaas oo sawir "edab darro ah" oo ku saabsan haweenay u diray walaalkeeda kadib markii uu laba jeer u gacan qaaday ayaa waxaa go'aan laga soo saarey gal-dacwadeedkiisa.

Scott Mellish, oo kasoo howlgalay Soomaaliya, ayaa dhibaato dhanka maskaxda ah qaba, sidda ay dhageysatay Maxkamadda Nottingham Crown Court ee dalka Ingiriiska.

Gareth Gimson, qareenka ayaa xeer-beegtada u sheegay: "Wuxuu aqbalay in waxa uu sameeyay ay argagax yihiin. Wax kasta oo uu ku horumarin karo shaqsiga uu yahay ayuu isku dayey in uu sameeyo".

Intii uu ciidanka ka tirsanaa, 27-sano jirkaan, ayaa waxaa si xun ula dhaqmay "saraakiisha ka sareysa," sida laga soo xigtay Mr Gimson, oo ku hadlayey afka Mellish intii ay dhageysiga kiiska uu socday.

Mellish oo qirtay laba dambi oo kala ah; in uu u gacan qaad sameeyay iyo in uu daaha ka rogay sawirka qof gaar ah ayaa waxaa garka loo geliyay 16-bilood oo xabsi ah iyo laba sano shaqo joojin ah.

Kevin Jones, dacwad oogaha, ayaa sheegay in Mellish uu haweenayda madaxa ku dhuftay, 4-tii April, taas oo xanun daran u keentay.

"In ay ilmeyso ayay bilowday. Farahiisa ayuu kusoo taagey isaga oo qaylina si ay u aamusto. Taas waxay ahayd saameyn xun," ayuu ku daray.

Xukunsanaha iyo haweenayda oo magaceeda loo qariyey sababo jira ayaa lagu waramayaa in ay ku kulmeen gaari dushiisa.

Sidda laga soo xigtay xeer-ilaalinta, labadooda ayaa aad u murmay xili ay kuwada socdeen gaari maalintii xigtay, 5-tii April. Haweenayda ayaa kadib si qasab ah waxay ku aamusisay eedeysanaha.

Mr Jones oo dul istaagaya dhacdadaan ayaa ku daray: "Isaga wuxuu ugu jawaabay dhowr feer oo uu si isku xig-xigta uu kaga dhuftay madaxa. Kubad [banooni] yaalay kursiga rakaabka ayay isaga dhigtay".

Mellish ayaa la sheegay in uu kadib sawirka u diray haweenayda walaalkeeda "isaga oo ku talogalay in uu muujiyo baqdinta iyo bahdilka," sidaas waxaa hoosta ka xariiqay Jones.

Jennifer Jones, goobjooge duubay muuqaalka xaaladaas ayaa kadib u sheegay: "Dhacdadu waxay ahayd mid walaac iyo cabsi badan".

Haweenayda dhibanaha ah ayaa ku sifeysay Mellish "mid taariikh u leh tacadiyadda ka dhanka ah haweenayda".

Mark Nunn, sarkaal ka tirsan bileyska, ayaa xusay: "Waxaan aad u amaanayaa geesinimada ay muujisay haweenayda oo ku wajahan in ay horey u socoto, waxaana bogaadinayaan iska caabinta ay sameysay".

"Hab-dhaqanka Mellish ee ka dhanka ah haweenka waxay si cad u muujineysaa in ay ku yar tahay xormadda uu u hayo haweenka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Nunn oo soo dhaweeyay xukunka kiiskan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM