Askari katirsan AMISOM oo lagu dilay Hiiraan

Image

BULO-BURDE, Somalia - Askari u dhashay dalka Dabuuti, oo qeyb ka ahaa ciidamada Midowga Africa ee (AMISOM), ayaa maanta lagu dilay gudaha degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay Warsidaha GO in Nin hubaysan uu toogasho ku dilay Askariga xilli uu ku sugnaa gudaha magaalada, kadibna goobta isaga baxsaday kahor inta aysan soo gaarin  ciidamada AMISOM.

Ma jirto koox sheegatay Mas'uuliyada dilka Askariga reer Jabuuti, mana jiraan sidoo kale war kasoo baxay saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan iyo AMISOM oo ku aadan dhacdadaasi.

Dilka Askari kahor ayaa la sheegay in ciidamado katirsan dowladda Somalia ay rasaas ku fureen Askari kale oo Jabuutiyaan ah, kadib markii sida la sheegay uu dharbaaxo ku dhuftay gabar qaadka iibisa oo ay murmeen.

Lam oga in labada dhacdo ay xiriiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM