Askari Mareykanka ah oo lagu dilay gobolka Shabeellaha hoose

Image

BARIIRE, Somalia - Wasaarada Difaaca Mareykanka ee "Pentagon" ayaa xaqiijisay in Askari u dhashay dalkaasi lagu dilay Howlgal ka dhan ah Al shabaab, oo ka dhacay xalay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa "AFRICOM" ayaa sheegay in Labo Askari oo kale ay ku dhaawacmeen howlgalka, kaasi oo ujeedkiisu ahaa in lagu dilo hogaamiyaal katirsan Kooxda Al shabaab.

AFRICOM ayaa intaasi ku dartey in ciidamada Mareykanka ay ahaayeen kuwa la-talin iyo taageero siinayay ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM, oo duulaan ku qaadey saldhigyada Al shabaab ee Bariire.

"Ciidamada Mareykanka aya garab-siinayaan kuwa saaxiibada nahay ee dagaalka kula jira Al shabaab, si looga hortago in Al Qaeda ay ka qorsheyso Somalia weeraro ka dhaca Geeska Africa iyo Mareykanka,"  sidaasi waxaa sheegay AFRICOM.

CNN oo soo xignayso Sarkaal Military ayaa baahisay in Askarta Mareykanka ay kamid yihiin ciidamada gaarka dalkaasi, kuwaasi oo qeybka ka ah howlgalka Trump uu amray dhawaan in laga fuliyo Somalia.

Ciidamada oo watay labo diyaaradooda nooca Helicpters-ka ayaa waxay xalay ku degeen meel ku dhaw saldhig Al shabaab oo ku yaalla Bariire, oo 40KM galbeed uga beegan Muqdishu, waxaana halkaasi kla kulmeen iska-caabin xooggan.

Wararka Warsidaha GO uu ka helayo dadka deegaanka ayaa sheegay in Diyaaradaha ay duqeyn ka geesteen dhowr deegaan oo uu kamid ah Mubaarak iyo Tuulooyin hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Mareykanka ayaa inta badan waxay howlgal la fuliyaan ciidamada Kumaandooska dowladda Somalia, waxaana ay horey sidan oo kale u weerareen dhowr goobood oo Al shabaab ay maamusho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM