Axmed Madoobe oo baaq kasoo saarey gulufka Al-Shabaab

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa fariintan waxa uu u diray saraakiisha ciidamadda iyo dadweynaha.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay gudoomiyay kulan lagaga hadlayay dardar galinta howlgalada kasocda deegaanada Jubaland ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu xusay in Axmed Madoobe uu warbixin la xiriirta howlgalada socda ka dhagaystay Sarakiisha Ciidamada.

"Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga General Yusuf Osman iyo taliyayaasha Ciidamada iyo Hay’adaha amniga Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka," ayaa la raaciyey bayaanka.

Axmed Madoobe ayaa "uga mahad celiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada kala duwan ee Howlgalka ku jira kuwaas oo jab xoogan gaarsiiyay maalmahii lasoo dhaafay kooxaha Khawaariijta ah".

Howlgalada ayuu "ka dhawaajiyey in ilaa hadda la sameeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah oo ay ku diirsadeen shacabka loona baahan yahay in lasii joogteeyo si cadowga la isku raaciyo".

Shacabka Jubaland ayuu ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgalada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii Khawaariijta looga hor wareejin lahaa shacabka ay dhibka ku hayaan.

Howlgaladda ka bilowday Jubbooyinka ayaa lagu waramay in uu qeyb ka yahay wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab isla markaana ay taageerayaan qaar kamid ah dowladda dariska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM