Axmed Madoobe oo difaacay "hiilka" ay Puntland u muujisay Jubaland

Image

BOOSAASO, Jubaland – Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday Boosaaso halkaasoo booqasho oo ku joogo ayaa difaacay "hiilka" ay Puntlnd u muujisay maamulkiisa Jubaland.

Dowladda Puntland oo kaalin ku lahayd dhismihii Jubaland ayaa kali ku noqotay taageerida dib u doorashada madaxweyne Axmed Madoobe kadib coddeyn taariikhi ah oo 2019 ka dhacday Kismaayo.

Jubaland ayaa sidoo kale ah maamul goboleedkii labaad ee ka dhismay Soomaaliya tan markii dalku ka hirgalay nidaamka federaalka oo ay horumuud iyo "hooyo iyo aabe sax ah" ay u tahay Puntland.

Mahad-celin

Shirar laba geesood ah oo u dhaxeeya dhinacyadan laguna xoojinayo wadashaqeynta ayaa la filayaa in uu uga furmo magaalada dekadda leh ee Boosaaso, maanta oo Sabti ah, 18-ka Janaayo, 2020.

"Waxaan halkaan u nimid in aan Puntland uga mahadcelinayo garab istaagii buuxay oo ay garab istaageen Jubaland, markii hore hadii aysan Puntland garab taageyn ma aysan dhismi lahayn Jubaland" ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Maantana hadii aysan jiri lahayn garab istaaga cad ee Puntland, dadka reer Jubaland dhib badan bay la kulmi lahaayeen".

"Mana ahan in ay dulmi ku garab istaagayeen, aan wada hadalno, waxa Dastuurka noogu yaalo aan ku heshiino ayay reer Puntland noogu hiiliyeen wax la gudi karana maahan, laakiin waxaan is leeyahay wax waajib ah oo saaran".

Horumarka dhanka kasta oo ay sanadihii u dambeeyay ku talaabsatay magaalo madaxda ganacsiga Puntland ee Boosaaso kaasoo badankiisa ku yimid isku-tashi bulsho ayuu aad u soo dhaweeyay.

Wada-tashi

Doorka ay Isimada iyo Odayaasha Dhaqanka ka qaateen dhismaha Puntland iyo hayl-kalkeeda dowladnimo ayuu sidoo kale qiray isla markaana uu cod dheer ku bogaadiyey.

Wadatashi ay arrimaha masiiriga ah ee dalka ka yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo maamulada xubinta ka ah ayuu xoojiyey in ay muhiim u tahay geedi u socodka dowladnimada Soomaaliya.

Ku dhaqanka dastuurka qabyadda ah ayuu hoosta ka xariiqay in ay bud-dhig u noqon karto wadashaqaynta iyo xal u helista caqabadaha danaha guud ee Qaranka.

"Soomaaliya ma gaarin xili lays yiraahdo 'annaa iri'...waxa meesha yaalana waxay tahay hadii dadka waxay dhigtaan ee ay ku heshiiyaan ee bulshada u yaala intii lagu dhaqmo isagaa la fulin waayo lagu wadashaqayn waayo, waxaan is leeyahay 'annaa iri' Soomaaliya dhibaato ayay u geysatay talo aan wadaag lahayna waxba uma tareyso," ayuu daboolka ka qaadey.

Sirta ka dambeysa xasiloonida iyo amniga Kismaayo, oo ah xarunta ku meel gaarka maamulkiisa Jubaland, ayuu ku sheegay dadweynaha oo kaalin muuqata cayaaray.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay wada hadlaan "qof walbana lagu ixtiraamo mas'uuliyadda uu hayo".

MUUQAALKA AXMED MADOOBE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Oo Muqdisho Ka Bilaabay Kulamo Looga Soo Horjeedo Nidaamka Doorashada 2026

Kulamadaasi ayaa lagu wadaa inay noqdaan hordhac shir weynaha mucaaradka oo dhowaan ka dhacaya Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2025

  • 12:32PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM