Axmed Madoobe oo digniin kasoo saarey talaabooyinka DF ee Gedo

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad goboleedka Jubbaland kadib safar shaqo oo uu dalka dibadiisa ugu maqnaa muddo 20 cisho ah.

Madaxweyne kuxigeenka 2aad ee Jubbaland, labada gole ee Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee ururada bulshada ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa si diiran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.

Soo dhaweyn kadib Madaxweynaha ayaa warbaahinta kula hadley qeybta nasashada ee garoonka halkaas oo uu si kooban uga warbixiyey safarkiisa shaqo iyo waxyaabihii u soo qabsoomey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu inta uu ku sugnaa magaalada Nairobi uu kulamo kala duwan la qaatey Beesha caalamka, Saamileyda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo madaxda dalka aan dariska nahay ee Kenya dhamaantoodna kala hadley arrimo quseeya Amniga, Siyaasadda iyo sidii xalwaara looga gaari lahaa khilaafka DFS iyo Dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa si kooban uga hadley xaalada gobolka Gedo iyo tallaabooyinka lagu carqaladeynayo amniga iyo Dowladnimada dalka ee ay DFS ka wado halkaas, kuwaas oo uu sheegay inaysan natiijo ka gaari doonin haddii aysan wado wanaagsan u soo marin kana waantoobin baalmarka dastuurka dalka u yaala.

Sidookale Madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada Soomaaliya hadda aysan u baahneyn anaa idhi iyo sidaan rabaa socon, ee xalka ay u baahantahay uu yahay wadatashi iyo in isfaham rasmi ah lagaga gaaro waxkasta oo la isku qabto.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn sheegay in DFS ay shaqadeeda dhanba kusoo uruurisey halkee dhisan oo aan duminaa ee aysan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka shaqeynin taasna xisaabi ka danbeyn doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM