Axmed Madoobe oo Kismaayo ka furay shirka maaliyadda Soomaaliya

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa daah furay shirka wasiirada Maaliyada dalka oo diirada lagu saarayo maaraynta maaliyada shacabka iyo hanaanka dayn cafinta.

Shirkan oo in muddo ah soo socday ayaa waxaa ka qaybgalaya Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Axmed Madoobe ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dalkeena laga cafiyo daynta uu aduunku ku leeyahay si ay u soo noqoto sharaftii iyo hufnaantii hanaanka maaliyada dalka.

"Taas oo ah wax muddo ay sugayeen shacabka Soomaaliyeed," ayuu Madaxweyne Axmed ka yiri furitaanka shirka oo Sabtida maanta ah ka furmay Kismaayo, caasimadda Jubaland.

Kulamo noocaan ah ayaa horey uga qabsoomay magaalooyin ka tirsan maamuladda dalka iyo qaar kamid ah dowladaha caalamka, iyaddoo shirkii u dambeeyay uu ka qabsoomay Itoobiya.

Guddiga sarre ee Hay'adda Lacagta Aduunka ee IMF ayaa dhowaan meelmariyey qorshaha maalgelinta qaan-dhaafka Soomaaliya oo sahlaya in dowladaha caalamka ay taageeraan.

Deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa waxay gaareysaa 5 bilyan oo Doolar, iyaddoo Mareykanka dhowaan iclaamiyey in uu cafinayo hal bilyan oo uu ku leeyahay xukuumadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM