Axmed Madoobe oo kormeeray mashruuc dib loo hirgelinayo

Image
In ka badan sodon sano kahor ayay dowladii dhexe ee Soomalaiya bilowday mashruucan.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta mashruuca weyn ee biyo galinta Magaalada Kismaayo ee deegaanka Yoontooy.

In ka badan sodon sano kahor ayay dowladii dhexe ee dalka hirgalisay mashruucan iyadoo dib hada ay u howlgalinayso Wasaarada Tamarta iyo Biyaha Jubaland.

Madaxweynaha ayaa kormeeray Wajiga koobaad ee mashruucan oo hada la gaba gabeeyay iyadoo Wajiga labaad la gudo galay uuna qaadan doono mudo sanad ah in lasoo gaba gabeeyo mashruuca oo dhan.

Mashruucan ayaa biyo nadiif oo laga soo jiiday wabiga Jubba gaarsiin doona in ka badan labo milyan oo qof iyadoo markiiba uu soo saarayo biyo dhan shan iyo toban kun oo meter cubic taas oo dabooli doonta baahiyaha dhinaca biyaha ee Magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Jubada Hoose.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay howlwadeenada iyo shaqaalaha ka shaqaynaya mashruucan dhaxalgalka ah isagoo xusay in wax badan uu kusoo kordhin doono hormarka deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM