Axmed Madoobe oo la kulmay Farmaajo iyo Xasan Sheekh

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay Safar ku tagay Caasumadda Somalia ayaa kulamo kala duwan la qaatay labada Madaxweyne ee dhawaan xilalka lakala wareegay.

Kulan ka dhacay Villa Somalia, ayaa waxaa isugu yimid Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Waxay kawada hadleen arrimo ku Aadan xaaladda siyaasadeed ee Somalia iyo doorashadii dhacday horraantii bishan.

Labada mas'uul ayaa isku afgartay in hormarka lagawada qayb qaato islamarkaana loo istaago sidii Amniga loo adkayn lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhambaal hambalyo ah gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo isagoo ballanqaaday wax kasta oo looga baahdo dowlad goboleedka uu hogaamiyo inuu diyaar la yahay.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa la kulmay Madaxweynihii hore Somalia, Xasan Sheekh oo Ku ammaanay kaalinta hormarineed ee dalka uu gaarsiiyay.

Xiriirkii hoose ee uu lalahaa madaxda maamullada iyo dhammaystirka dhismaha Federaalka ayuu uga mahadceliyay.

Waxay isku afgarteen in lala shaqeeyo Madaxweynaha Cusub.

Axmed Madoobe ayaa ahaa hogaamiyaha kaliya marka laga hadlayo maamullada ee aan imaan hoolka doorashada inkastoo aan war laga hayn sababta baajisay. 

Kulamadan ayaa yimid xilli barri la filayo in Muqdishu lagu qabto caleemo saarka Madaxweynaha Cusub, taasoo la filayo inay yimaadaan hogaamiyaal kala duwan iyo madax katirsan kuwa beesha caalamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM