Axmed Madoobe oo la kulmay guddi KMG ah kana tirsan BF Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Madaxtooyada ku marti qaaday Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran oo howlo shaqo u joogay Jubbaland.

Qado sharaf uu Madaxweynahu Xubnahan ugu sameeyay Madaxtooyada kadib waxaa kulan ay yeesheen lagaga hadlay shaqada gudigan iyo waxyaabahii uga qabsoomay howlaha shaqo ee ay Jubbaland u yimaadeen.

Kulankan ayaa waxaa la sheegay in diirada lagu saaray sidii talooyinka iyo aragtiyada ay Guddigan uruurinayaan ay u noqon lahayd mid ka turjumaysa rabitaanka dadka Soomaaliyeed.

Guddigan ayaa sidoo kale la kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland Golaha Wasiirada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Is-aragii ugu danbeeyay ayaa wuxuu yahay midka ay maanta la qaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa kamid ah waxyaabaha muhiimka u ah coddeynta lagu rajo weyn yahay in ay sanadka soo aadan ka qabsoonto guud ahaan dalka.

Doorashadaas ayaa la filayaa in ay noqoto mid qof iyo cod ah, inkasta oo dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadda aysan wali heshiis mideysan ka gaarin arrintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM