Axmed Madoobe oo magacaabay madaxweyne ku xigeenada Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Talaado 22 Oktoobar 2019 wuxuu wareegto ku magacaabey labadiisa ku xigeen.

Maxamuud Sayid Aadan, ayaa laga dhigay Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, halka C/qaadir Xaaji Maxamuud, loo xushay Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Jubbaland.

Magacaabidan ayaa kusoo aadeysa xili aad loo sugayo hadii Axmed Madoobe uu wax ka bedel ku sameyn doono Golahiisa Wasiiradda oo mid kamid ah uu ku xiran yahay Muqdisho.

Cabdirashiid Janan ayaa tan iyo 1-dii September ku xiran Muqdisho, iyadda oo "loo diiday in uu la kulmay eheladiisa, qareenkiisa iyo adeegyo caafimaad oo uu u baahdey".

Xeer-ilaalinta federaalka ayaa kusoo eedeysay "dilalka shacab" xili maamulkiisa uu qabashadiisa ku sifeeyay "afduub baalmarsan Dastuurka iyo arrin siyaasadeysan".

Jubbaland, Puntland iyo qaar kamid ah xisbiyadda siyaasadeed ee dalka ayaa cod dheer waxay ku dalbadeen in Janan "sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo xorriyadiisa".

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dib loogu doortay hogaanka Jubaland kadib doorasho ka qabsoontay magaaladda Kismaayo 22-kii bishii August ee sanadkan 2019-ka.

WAREEGTADDA MAGACAABIDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM