​Axmed Madoobe: Xumaan kuma jirto Shirka Kismayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa shaaca ka qaadey in Shirka Kismaayo aaney caqabad ku aheyn Siyaasadda Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in Shirkaasi uu yahay mid wanaag lagu raadinayo, oo ujeedkiisau yahay in lagu xaliyo mugdi soo kala dhex-galay xiriirka dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

"Waxaan u sheegayaa Ummada Soomaaliyeed in Shirka Kismaayo uu yahay Gogol Nabadeed, oo aan tuhun iyo xumaan ku jirin, waxaadna ka arki doontaa Natiijada kasoo baxda," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa meesha ka saarey wararka sheegaya in Shirka uu yahay mid ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya, balse uu yahay mid wanaagsan oo Siyaasadda Soomaaliya lagu jaheyn doono.

Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo beegmaya, xilli maalinta berri magalaada  Kismaayo uu ka furmo Shirka mamaulkiisu iclaamiyay dhawaan, kaasi oo ay ka qeybgalayaan Madaxda maamullada dalka.

Madaxweyniyaasha maamul goboleedyada, ayaa kusoo qulqulaya maanta illaa shalay magaalada Kismaayo, balse lama hubo in Madaxwenaha Galmudug uu kasoo qeybgalayo.

Wararka Warsidaha Garowe Online helayo, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan ku faraxsaneyn qabashada Shirkan, islamarkaana laga yaabo inaysan ka qeybgalin.

Xukuumadda ayaa la sheegay inay codsatey in dib loo dhigo, inta laga xalinayo khilaafka ka taagan Galmudug.

Maamul goboleedyada qaar iyo dowladda Dhexe ayaa iskau khilaafay mowqifka Soomaaliya ee xiisadda Khaliijka, taasi oo Xukuumadda Federaalka ka qaadatey go'aan dhex-dhexaadnimo, kaasi oo muran dhaliyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM