Axmed Madoobe: Waan daadejin doonaa neecoowda dowladnimo

Image
Image
Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa booqdey deegaanadii u dambeeyay ee laga xoreeyay Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanadii u dambeeyay ee laga xoreeyay Al-Shabaab ee katirsan Gobolka Gobolka Jubada Hoose.

Deegaanada ayaa kala ah Aw qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole iyo Janaa Cabdalle oo kooxaha Argagixisada ah ay ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah.

Axmed Madoobe ayaa sheegay "in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen Nabad iyo xornimo loona baahan yahay in deegaanada kale ee wali Argagixisadu ay joogaan in la gaarsiiyo hormarka Dowladnimada".

Markii la xoreeyay Deegaanka Jannaa Cabdalle iyo deegaanada ku xeeraan ayuu tibaaxay "in dadka deegaanku ay ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen Ciidamada qalabka Sida".

Garab-istaagga ayuu "tibaaxay in ay kamid ahayd dib u howlgalinta ceelasha biyaha iyo inay saadkooda wax ka siiyaan dadka Deegaanka kahor Inta aanay halkan iman hay’adaha kale ee Dowlada".

Hogaamiyaha Jubaland ayaa xusay in howlgalada dib u xoraynta ay sii socon doonan lana dardar galin doono maalmaha soo socda "si neecoowda Dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubaland".

Jubaland ayaa ah maamulka kaliya ee gobol dhan ay ka maamulaan Al-Shabaab. Jubadda Dhexe waa la aaminsan yahay in ay tahay xarunta ugu weyn ee xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM