Axmed Madoobe: Waan daadejin doonaa neecoowda dowladnimo

Image
Image
Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa booqdey deegaanadii u dambeeyay ee laga xoreeyay Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanadii u dambeeyay ee laga xoreeyay Al-Shabaab ee katirsan Gobolka Gobolka Jubada Hoose.

Deegaanada ayaa kala ah Aw qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole iyo Janaa Cabdalle oo kooxaha Argagixisada ah ay ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah.

Axmed Madoobe ayaa sheegay "in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen Nabad iyo xornimo loona baahan yahay in deegaanada kale ee wali Argagixisadu ay joogaan in la gaarsiiyo hormarka Dowladnimada".

Markii la xoreeyay Deegaanka Jannaa Cabdalle iyo deegaanada ku xeeraan ayuu tibaaxay "in dadka deegaanku ay ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen Ciidamada qalabka Sida".

Garab-istaagga ayuu "tibaaxay in ay kamid ahayd dib u howlgalinta ceelasha biyaha iyo inay saadkooda wax ka siiyaan dadka Deegaanka kahor Inta aanay halkan iman hay’adaha kale ee Dowlada".

Hogaamiyaha Jubaland ayaa xusay in howlgalada dib u xoraynta ay sii socon doonan lana dardar galin doono maalmaha soo socda "si neecoowda Dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubaland".

Jubaland ayaa ah maamulka kaliya ee gobol dhan ay ka maamulaan Al-Shabaab. Jubadda Dhexe waa la aaminsan yahay in ay tahay xarunta ugu weyn ee xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM