Baaqyo gurmad ah oo loo fidinayo Shacabka Gaalkacyo ka dib roobab khasaare geystay

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Roobab mahiigaan ah oo saacado badan ka da’ay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa geystay khasaare naf iyo maalba leh, iyada oo ay qoysas badan ka barakaceen.

Fatahaadka ka dhashay roobabka ayaa saameyn ku yeeshay labada dhinac ee magaalada (Puntland iyo Galmudug) iyadoo guryaha qaar ay dumeen.

Maamulka degmada Gaalkacayo ayaa codsaday in gacan laga geysto sidii loo dhimi lahaa dhibaatada soo gaartay dadka magaalada, iyaga oo ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Puntland inay soo farageliyaan.

Ra'isulwasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa dhankiisa maanta ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño.

Wuxuuna yiri: “Waxaan bulshada Soomaaliyeed la wadaagaa saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoogga leh ee ka da’ay gobollada dalka, xog aan hayno dhimashu ku dhawaad waa 10 qof”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM