Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo yeeshay guddoon ku meel gaar ah

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Mudaneyaasha baarlamaanka labaad ee Galmudug oo fadhigii ugu horeeyay maanta oo Axad ah ku yeeshay magaaladda Dhuusamareeb ayaa doortay guddoon ku meel gaar ah.

Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo lagu sheegay xubinta ugu da'da weyn golaha ayaa loo xushay in afhayeenka ku meel gaarka ah uu noqdo.

Keynaan ayaa xilka sii hayn doona inta laga dooranayo gudoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Wakiiladda maamulkaas.

Mr Xalane ayaa kamid ahaa baarlamaankii ku meel gaarka ee dowladdii madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Lama shaacin waqti rasmi ah oo loo muddeeyay in ay ku qabsoomeyso doorashadda gudoonka baarlamaanka Galmudug.

Hase ahaatee, wararku waxay sheegayaan in lagu dhawaaqi doono jadwalka doorashadda maalmaha soo aadan.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay iyaddoo la sheegay in la qabtay shaqsiyaad laga shakiyey basle damiin lagu sii daayey.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyaddoo madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] uu horey u shaaciyey in uusan aqoonsaneyn baarlamaanka, isla markaana uu Gaalkacyo kawaddo abaabulka doorasho kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM