Baarlamaanka Jubaland oo kalsoonida siiyey madaxweyne ku xigeenada

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Golaha Wakiilada Jubaland ayaa Axada maanta ah ansixiyay Madaxweyne ku-xigeenada Jubbaland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad, Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne ku xigeenka 2-aad, Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud [Luga dheere] ayaa meelmarinta kadib waxaa lagu hor dhaariyey golaha.

Mudaneyaasha ayaa kula dardaarmay Aadan iyo Maxamuud in ay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan.

Labadda ku xigeen oo madasha ka hadlay ayaa balanqaadey in ay ilaalin doonan shuruucda iyo Dastuurka dalka iyo maamulka.

Axmed Madoobe ayaa labadda mas'uul wuxuu dib u magacaabay 22-kii bishaan October kadib wareegto kasoo baxay xafiiskiisa.

Magacaabidooda ayaa timid xili 22-kii August dib loogu doortay Axmed Maxamed Islaam inuu Jubaland hogaamiyo afarta sano ee soo aadan kadib doorasho xor iyo xalaal ah oo Kismaayo ka qabsoontay.

Munaasabadda caleema saarka Axmed Madoobe oo 12-kii October lagu qabtay xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa ka qeybgalay wafuud caalami ah, mas'uuliyiin federaalka ka socda iyo siyaasiyiin.

Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa xukuumadda federaalka ah ku booriyay in ay ictiraafo guusha Axmed Madoobe maadaama ay uga soo horjeesatay "dano siyaasadeed oo gaar u ah Madaxtooyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM