Baarlamanka Somaaliya oo magacaabay Gudi baara Kiiska Qalbi Dhagax

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Gudoonka sare ee Baarlamanka Somaaliya, ayaa maanta magacaabay Gudi soo baara Kiiska Sarkaalka katirsan ONLF ee Cabdikariim Sheekh Muuse "Qalbi Dhagax".

Gudigan oo ka kooban 15 xubnood oo dhamaan Xildhibaanno ah, ayaa waxay soo diyaarinayaan warbixin Tifaaftiran, oo ku aadan qodobka ay Xukuumadda u cuskatay dhiibista Qalbi Dhagax, ee ahaa inuu katirsan yahay ONLF, xiriirna la lahaa Al shabaab.

Gudoonka Baarlamanka ayaa sheegay in go'aan laga soo saari doono Kiiska Qalbi Dhagax, marka uu Gudigan maanta la magacaabay uu Warbixin usoo gudbiyo Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Xukuumadda Federaalka ayaa Qalbi Dhagax u gacan-gelisay dowladda Ethiopia, kadib markii Ciidamada amaanka Galmudug kasoo qabteen magaalada Gaalkacyo bishii lasoo dhaafay ee August.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM