Badmaaxiin u dhashay India oo xoog lagu soo furtay

Image

Somalia:
GALKACYO, Somalia- Ciidamada Nabad Sugida Somalia (NISA), ayaa saaka xoog kusoo furtay 8 Badmaaxiin, oo u dhashay dalka India, kuwaasi oo gacanta ugu jiray koox burcad-badeed ah.

Taliyaha ciidamada Nabad Sugidda Galmudug Saadiq Joon ayaa sheegay in Howlaglka lagu soo furtay Ajaanibta uu ka dhacay duleedka deegaanka Ceel-huur ee Koofurta Gobolka Mudug.

Badmaaxiinta lasoo badbaadiyay ayaa la socday Markabka Al Kausar, oo 31-kii March laga afduubay xeebaha Somalia, xilli Badeecooyin Ganacsi uu u waday magaalada Kismaayo, ee xarunta Jubbaland.

Markabka iyo labo Badmaax, ayaa laga soo furtay Burcad-badeeda labo maalmood kahor, kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay meel ku dhaw degmada Hobyo.

Falalka burcadda ayaa dib ugu soo laabtay xeebaha Somalia, waxaana tan iyo bishii hore la qafaashay ilaa dhowr markab.

Tallaabadan ayaa loo aanaynayaa Maraakiibta Jariifka oo dhibaato xooggan ku haya Kalluumaysatada kuwaasoo xilliyo kala duwan keenay cabashooyin la xariira arrintan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM