Bannaan-bax ka dhacay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Bannaanbax lagu taageerayo Ra'isal wasaaraha cusub ee dalka Somalia, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Dibad-baxan oo ay soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir, waxaana uu ka dhacay Daljirka Dahsoon oo ay isugu yimaadeen boqolaal ruux kuwaas oo watay calanka Somalia. 

Waxay taageero u muujinayeen Ra'isal wasaaraha uu doortay Madaxweyne Farmaajo, kaasoo aqbalay inuu xilkaas qabto. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xuseen Jimcaale ayaa dadkii bannaanbaxa dhigayay u sheegay inuu taageersanyahay Xasan Cali Khayre, islamarkaana uu la shaqayn doono.

Goobta waxaa sidoo kale joogay Xildhibaano iyo qaar kamid ah bulshada Rayidka ah, kuwaas oo si wadajir ah usoo dhaweeyay mas'uulka Cusub.

Xasan Cali Khayre oo ku cusub siyaasadda ayay ugu baaqeen inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo wax ka qabata baahida shacabka.

Ugu damayn waxay ALLE uga baryeen inuu xilka ku asturo islamarkaana uu noqdo mid la mahadiyo shaqadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM