Barlamanka Federaalka oo la filayo inuu ansaxiyo golaha wasiirada cusub ee Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Golaha wasiirada ee cusub ayaa saaka la horgeeyey Barlamanka Federaalka Somalia iyadoo la sugayo in dhowaan loo qaado codka kalsoonida ah.

Xubnaha wasiirada cusub intooda badan ayaa ku sugan xildhubanada Barlamanka Somalia hortooda iyadoo wararka sheegayaan in cod aqlabiyad ah lagu ansaxin doono.

Xildhubaano ka tirsan Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka ayaa u sheegey warsidaha Garowe Online in rajada in xubnaha wasiirada helaan kalsoonida aqalka shacabka fiican tahay .

Raisla wasaraha Somalia ayaa ganafka ku dhuftey dalabyo ka yimid xildhibaano uu hogaaminyey gudoomiyaha Barlamanka kuwasoo codsanayey in dib loogu noqdo magacaabista golaha wasiirada.

Garowe online ayaa idinla socodsiin doona wararka la xiriira kalsooni siinta golaha wasiirada.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM