​Baarlamanka Somaaliya oo ka shiraya Hindise Sharciyeed cusub

Image

MUQDISHO, Somalia - Xildhibaanada Aqalka hoose, ee Baarlamanka Federaalka Somaaliya ayaa saaka oo Isniin ah waxay kulan ku yeelanayaan xarunta Gollaha Shacabka, ee magaalada Muqdisho.

Mudane katirsan Xildhibaanada ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in Kulanka maanta ajandihiisa uu yahay akhrinta 1aad ay ku sameeyaan Hindise Sharciyeedyada Waxbarashada iyo Biyaha oo Xukuumadda usoo gudbisay.

Xildhibaanada Gollaha Shacabka waxaa horyaalla ku dhawaad 15 Hindise sharciyeed, oo kasoo gudbay Gollaha Wasiiradda, waxaana looga fadhiyo inay meel-mariyaan Kulamada soo socda.

Waxaa dhanka kale, aad loo adkeeyay Amaanka nawaaxiga Xarunta Baarlamanka, iyadoo Ciidamada dowladda Federaalka oo isagu jira Boolis iyo Nabad Sugida ay xireen Wadooyinka ku dhaw halkaasi.

Wixii kasoo baxa Kulanka Golllaha Shacabka dib ugala soco GaroweOnline

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM