Barlamanka Somalia oo la horgaynayo miisaaniyadda dowladda

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa la filaya in golaha shacabka uu horgeeyo misaaniyadda dowladda ee sanadkan 2017-ka.

Kulanka maanta ayaa xildhibaannada loogu qaybin doonaa Warqadaha miisaaniyada cusub, si ay u soo akhristaan, kahor inta aysan ka doodin fadhiyada dambe.

Xildhibaan kamid ah Barlamanka 9aad ayaa GO u sheegay in Wasiir Beyle uu ka jeedin doono gollaha shacabka khudbad ku saabsan miisaaniyada, taasi oo la filayo inay ka badan tahay midii 2016-kii, oo ahayd $246 milyan oo doollar.

Miisaaniyadda cusub ee dowladda Somalia, ayaa waxaa kusoo kordhiy mushaharaadka ay qaadan doonaan Xildhibaanada Aqalka sare.

Baarlamaanka ayaa sidoo wax ka badel ku sameyn doono Qaraar ku saabsan Gurmadka Abaaraha Dalka.

Bishii February, Dhaqaalaha dowladda ayaa la hakiyay xilligii kala guurka, waxaana la xiray dhamaan akoonadii wasaaradaha, Hay'adaha dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir, si aysan u dhicin musuq-maasuq.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM