Baydhabo oo martigelinaysa shirka madaxda Soomaalida

Image
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli hogaamiyaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu ku jiro go'doon siyaasadeed.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Shirka Madaxda madaxda maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ayaa lagu qabanayaa magaalada Baydhabo, xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, sida GO u shegeeen ilo xog-ogaal ah.

Wararka laga helayo illo wareedyo madax-banaan ayaa waxay intaas kusii darayaan sheegaya in shirkaan la filayo in bisha soo socota ee March la qabto.

Lama ogga in Madaxweynaha Puntland ka soo qayb galayo kulankaas. Dani ayaa sheegay inuu xiriirka u jarey dowlada Federaalka, talabadaas oo ay Villa Soomaaliya aysan ka jawaabin.

Dani ayaa maalmo kadib markii xafiiskiisu soo saarey qoraal dheer kaas oo uu ku sheegey in Puntland si madax banaan u dhaqmeyso magacaabey guddi farabadan kuwaas oo uu ku sheegay in wadahadal la galayaan dowlada Federaalka ah. Si lamid ah Villa Soomaaliya wax macno Leh kama soo qaadin guddigaas la magacaabey.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa hoos-u-dhigey xiriirka dhowaanahan uu la laha Madaxweynaha go’doonka ah ee Puntland.

Laftagareen oo haysta muddo sideed bilood uu ku qabto doorasho daahfuran ayaa iska xaliyey khilaafkii isaga iyo mucaaradka kaas oo qayb weyn uu ka qaatey Madaxweynaha dowlada Fedraalka ah Xasan Sheekh Maxamuud. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM