Bayle oo sharaxay hakinta mashruuca 4 magaalo ee Bangiga Aduunka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah sharaxaad ka bixiyey joojinta mashruuca afarta magaalo ee shalay lagu saxiixay caasimada Muqdisho.

Mashruucaan oo uu maalgelinayo Bangiga Aduunka loona qoondeeyay 112 milyan oo Doolar ayaa qorshuhu ahaa in laga fuliyo Muqdisho, Garowe, Kismaayo iyo Baydhabo.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyey in la hakiyo fulinta mashruuca "kadib cabasho xoogan oo laga muujiyey".

Wallow la sheegay in ay jiraan arrimo kale oo dib loogu dhigay, wararka ayaa sheegaya in Galmudug iyo HirShabelle ay kamid yihiin dhinacyada tabashadda keenay.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka lacagta xukuumada federaalka ah, ayaa xusay in joojinta ay ahayd "mid lawada ogol-yahay".

"Mashruuca waa mid weyn oo laga fulinayo Muqdisho iyo maamulada, waxaa go’aan lagu gaaray in loo kaadiyo kadibna la isugu yeero dowlad goboleedyada iyo Bangiga Aduunka," ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiir Bayle ayaa tibaaxay "waxaan u sheegaynaa shacabka in mashruuca dib loogu noqonaayo oo la isla eegayo lana hubin doono in cid walba laga qeyb-geliyo".

Mashruuca, oo qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta ee Soomaaliya kaasoo la tilmaamay in uu heer dhamaad ah marayo, ayaa lagu horumarinayaa magaalooyinka wadanka iyo dowladaha hoose.

MUUQAALKA BAYLE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM