Beesha Caalamka oo farta ku fiiqdey xalka dagaalka ka dhacay Garowe

Image
Daneeyeyaasha ayaa caddeeyay aragtidooda qulqulooyinka kasoo cusboonaadey caasimada Puntland.

GAROWE, Puntland - Beesha Caalamka oo soo faragelisay qulqulatooyinka ka dilaacay caasimada Puntland ee Garowe ayaa waxa ay ku baaqdey in wadaxaajood degdeg ah lagu soo gabagabeeyo xasarada ka oogan Garowe.

"Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsanyihiin dirirta ka socota Garowe iyo saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah.
Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Waxaan ugu baaqaynaa dhammaandaneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka".

"Khatarta isa soo taraysa ee dhawaanahan waxay halis gelinaysaa natiijadii wanaagsanayd ee laga gaaray doorashadii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Puntland," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Geesta kale, Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in ay ka walaacsan tahay shaqaaqooyinka kasoo cusboonaadey magaalada caasimada u ah maamulka Puntland ee Garowe.

Qoraal lagu daabacay ciwaanka Twitter-ka ee safaaradda Washigton ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay ku baaqayaan in dhinacyada didiray ay isugu yimaadaan miiska wadahadalka.

Sidda ku xusan bayaankan, wadaxaajoodka ah ayaa ah qaabka kaliya ee xal looga gaari karo qulqulatooyinkan oo ah natiijo ka dhalatay xasarad siyaasadeed oo taganeyd bilooyinkii dambe.

"Isagoo ka walaacsan rabshadaha ka socda Garoowe, Mareykanka wuxuu ku biiray saaxiibada caalamiga ah oo ugu baaqaya dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay galaan wadahadal oo ah dariiqa kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale, Madasha Siyaasadda Puntland oo war-saxaafadeed ka kooban laba bog ah ka soo saartey cakirnaanta siyaasadeed ayaa si xooggan waxay u cambaareysay dagaalka ka dhacay magaaladda caasimada ah ee Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruto iyo Museveni oo fulinaya dalabkii Abiy ee Badda Soomaaliya

Isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka ka taagan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa lagu guul dareystay in xal laga gaaro.

  • Soomaliya

    30-11-2024

  • 05:28PM

Soomaaliya oo Serbia waydiisatay taageero dhanka ammaanka ah

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya General Abdullahi Sheekh Ismaaciil ayaa ku sugan Belgrade.

  • Soomaliya

    30-11-2024

  • 08:50AM