Beesha caalamka oo ka hadashay shirkii Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Beesha caalamka ayaa soo dhawaysay go'aanadii kasoo baxay Shirkii wadatashiga hogaamiyaasha Somalia ee shalay lagu soo gabo-gabeeyay magaalada Muqdishu.

War saxaafadeeda ay si wadajir ah usoo saareen QM, AMISOM, IGAD, Midowga Yurub, Italy, Ethiopia, Sweden, Turkey, UK, USA, ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin Natiijada Shirka Madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka.

Dowladaha taageera arrimaha Somalia, ayaa shirkaas ku tilmaamay mid wax dhisaya islamarkaana dhinaca wanaaga u horseedaya waddanka la daalaa dhacaya dhibaatada colaadeed iyo midda abaarta.

"Waxaan soo dhawaynayaa heshiiska cusub ee Madaxda Somalia gaareen, gaar ahaan dhisamaha Gudiga amniga qaran ee hormuudka ka noqon doono Madaxweyne Farmaajo, sidii kalena ay hogaamiyaasha maamul goboleedyada xubno ka yihiin," ayuu yiri Michael Keating, Ergayga QM u qaabilsan Somalia.

Michael Keating ayaa xusay in beesha calaamka ay ka go'antahay taageerida dowladda cusub si ay ugu guul-gaarto hiigsigeeda ah inay wax ka qabato abaaraha, amni darrada, musuq-maasuqa iyo khatarta Al shabaab.

War-murtiyeed kasoo baxay kulankaas ayaa lagu sheegay in la isku afgartay sidii waddanka hormarkiisa looga shaqayn lahaa islamarkaana arrimaha dibadda looga dambayn lahaa dowladda dhexe

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM