Beesha Caalamka oo war kasoo saartay habraaca doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay habraaca doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku baaqayin dadaallada la laballaabo si loo gaaro qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba 30 ee kuraasta labada Aqa lee Baarlamaanka ay haweenku helaan.

Hoos ka akhriso bayaanka

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa soo dhoweeyay shirka Madasha Wadatashiga Qaran (MWQ) ee 21 iyo 22 Agoosto, waxayna bogaadiyeen wadatashigooda joogtada ah si horey loogu wado hanaanka doorashada.

Waxaan aragnaa in la dhammeystiray doorashada Aqalka Saree e Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo in hanaanka laga billaabay Jubaland iyo Galmudug. Waxaan sidoo kale garowsanahay walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka sare, waxaana GWQ ku boorinaynaa inay arrimahan wax ka qabtaan si loo taageero hanaan doorasho oo daahfuran, waqtiyaysan, loo wada dhanyahay oo lagu kalsoonaan karo oo loo qabto Golaha Shacabka.

Iyagoo la xusuusanaya in boqolkiiba 24 ee kuraasta Aqalka Sare ay ilaa iyo hadda haween ku guuleysteen, waxaan ku baaqaynaa in dadaallada la laballaabo si loo gaaro qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba 30 ee kuraasta labada Aqa lee Baarlamaanka ay haweenku helaan.

Waxaan soo dhoweynaynaa dhismaha Guddiga Amniga Doorashada, waxaana ku baaqaynaa in dib loo billaabo kulamada guddiga si loo xaqiijiyo in qabanqaabada amniga laga diyaariyo dhammaan goobaha codbixinta ka hor doorashada Aqalka Hoose iyo in tixgeling la siiyo amniga ergada, musharaxiinta iyo xubnaha guddiga haweenka ah.

Saaxiibadu waxay GWQ iyo saamilleyda kale la wadaagayaan inay rumeysanyihiin in hufnaanta hanaanka doorashadu ay muhim u tahay xasilloonida Soomaaliya, waxaan sidaa darteedy GWQ ku dhiirigelinaynaa inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka si loo xaqiijiyo in hanaanka doorashada lagu dhammeystiro si lagu kalsoonaan karo, daahfuran oo waqtigii loogu talagalay ku dhacda.



GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM