BF Somalia oo Qoraal Ku Saabsan Khaliijka u Direy Madaxweyne Farmaajo [AKHRI]

Image

MUQDISHU, Somalia-  Gudoomiyaha guddiga arimaha dibada ee Golaha shacabka Federaalka Somalia Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali  ayaa qoraal talo soo jeedin ah u direy Madaxweyne  Maxamad Cabdulahi Farmaajo kaasoo lagu xusey  in wadatashi loo dhan yahay laga yeesho go'aankii siyaasadeed ee Ha'ayada fulinta dowlada ka istaagtey khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka.

" Mudane Madaxweyne ujeedada waraaqdaan waxay tahay khilaafka Khaliijka ka jira iyo go'aanka siyaasadeed ee dowladu ka qaadatey kaasoo walaac iyo welwel badan ka muujiyeen xubno ka tirsan guddiga arimaha dibada ee Golaha Shacabka kuwasoo iga codsadey in aan kula wadaago" sidaas ayaa waxa yiri gudoomiyaha guddiga Cabdulqaadir Cosoble.

Qoraalkaan oo Nuqul kamid ah soo gaarey warsidaha GO ayaa waxa Wararka la xiriira sheegayaan in xildhibaanada Barlamanka intooda badan la dhacsaneyn go'aanka siyaasadeed ee Hay'ada fulinta dowladu ka qaaatey khilaafka Khaliijka.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa sida warsidaha GO fahansan yahay in gudiyada arimaha dibada ee labada aqal ee Barlamanka iska arki doonaan arimaha la xiriira khilaafka Khaliijka iyo go'aanka Madaxweyne Farmaajo ka qaatey.

Horey ayaa gudoomiyaha guddiga arimaha dibada aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Prof. Jurile  uga codsadey madaxda dowlada In go'aanka khilaafka Khaliijka ee dhexdhexadnimada ah dib looga noqdo.

Hoos ka akhri qoraalka gudoomiyaha guddiga arimaha dibada u direy Madaxweyne Farmaajo


Xuquuqda Warka iyo Nuqulkaan waxaa iska leh warsidaha GO hadaad rabto Inaad dib u daabacdo kala xiriir office@garoweonline.com

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM