Biden: Al-Shabaab wali halis bay ku tahay Mareykanka

Image
Maamulka Biden ayaa Janaayo, 2021 ka saarey Soomaaliya ciidamada Ameerikaanka ah. [Photo: Internet]

WASHINGTON, USA – Hadaljeedinti madaxweynaha waddanka Mareykanka, Joe Biden, uu ka sameeyay soo afjarida dagaalka Afghanistan ayaa wuxuu kusoo hadal-qaadey maleyshiyadda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Biden ayaa khudbadiisa si weyn ugu difaacay soo saarida ciidamada Ameerikaanka ee 20-ka sano Taliban kula dagaalamayey Afghanistan kuna adkeystay in howlgalkoodu ahaa argagixiso la dirro khuseyna dal-dhis.

Qeybta khuseysay Soomaaliya, Biden ayaa si cad u sheegay in Al-Shabaab ay khatar ku tahay amniga dalkiisa iyo dadkiisa, wuxuuna si aan toos ahayn ugu nuux-nuux-sadey in ay diyaar u yihiin ciribtirka dagaalameyaasha.

"Maanta, khataraha argaggixisadu waxay si weyn ugu sii fiday meel ka baxsan Afghanistan: Al-Shabaabka ku sugan Soomaaliya, Al-Qaacidda Jasiiradda Carabta, Al-Nusrada Suuriya, ISIS oo isku dayaysa in khilaafo ay ka abuurto Suuriya iyo Ciraaq iyo samaynta xulafo wadamo badan oo Afrika iyo Aasiya ah. Khatarahaas waxay soo jiidanayaan dareenkeena iyo kheyraadkeena," ayuu yiri Biden.

Askarta Ameerikaanka ayaa Soomaaliya u soo galay bilowgii 2000 la dirirka argagixisadda. Tan iyo waqtigaas, mar-xalado kala duwan ayay ku soo maaree joogitaankooda.

Mudadii u dhaxeysay 1993–1993, waxay qeyb ka ahaayeen howlgalka Qaramada Midoobay ee rajo-soo-celinta Soomaaliya. Dagaal ka dhacay Muqdisho ayna la galeen kooxaha hubeysan waxaa looga dilay tirro askar ah.

Bishii Janaayo, 2021, Biden wuxuu dhameystiray amar uu soo saarey madaxweynihii xafiiska kaga horeeyay Donald Trump kaasoo askarta Ameerikaanka ee ku sugan Soomaaliya loogu wareejinayo Kenya iyo Jabuuti.

Wallow ay jiraan warar sheegaya in ay jiraan qorshe Soomaaliya dib loogu soo celinayo askartaas, wali si rasmi ah looma dhaqan-gelin. Ciidamadaas ayaa qeyb ka ahaa la dirirka Al-Shabaab ayaga oo caawinaya kuwa maxaliga.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo ayaa walaac ka muujiyey bixitaanka askarta Mareykanka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in taageerada Washington ay muhiim u ah ciribtirka argagixisada iyo dowlad-dhiska.

Sikastaba, sawirada 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka imaanayay caasimada Afghanistan ee Kabul oo muujinayay shacab ka cararaya nidaamka Taliban waxay guux iyo su’aalo ku saabsan taageeradda Mareykanka ku abuurtay Soomaalida.   

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM