Booqashada Farmaajo ee Qatar oo ku soo beegantey xilli xiriirka dowladaha Khaliijka xun yahay

Image

DOHA, Somalia - Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabduullaahi Farmaajo ayaa lagu soo waramayaa inuu la kulmay Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Kulanka waxa uu ka dhacay xalay qasriga Madaxtooyada magaalada Doha, waxaana labada hogaamiye kawada hadleen  xiriirka labada dal, arrimaha Amniga, dhaqaalaha, Abaaraha, iyo dib u dhiska ciidanka.

Madaxweynaha  waxaa Safarkiisa  ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, kuwaasi oo maanta la kulmi doonaan Wasirrada dhiggooda ah.

Farmaajo ayaa la filayaa in uu kulamo dhowr ah la qaato Madaxda ugu sareysa dalka Qadar, wuxuuna kala hadli doona arrimo badan oo Somalia dib u dhiskeeda la xiriira.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in caawa uu Kulan balaaran la qaato Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar, oo u sameeyay Xafladda ballaaran oo soo dhaweyn ah.

Ra'isal wasaraaha Somalia ayaa horey booqashadiisii ugu horeysay ku  tagey dalka Qatar halkaasoo kaga qayb galay kulan ka dhacayey magalaada Doha.

Waqtiga booqashadaan ku soo beegantey

Booqashada Madaxweynaha Somalia uu ku tagey dalka Qatar ayaa ku soo beegantey xilli uu xumaadey xiriirka u dhexeeya wadamada Sucuudiga, Imaraadka Carabta oo dhinac ah iyo dowlada Qatar.

Dowladaha Sucuudiga iyo Imaraadka Carabta ayaa wadankaan ku eedeeya inuu tageero ururada Islaamiyiinta ah sida Akhwaanul Muslimiin iyo kacdoonidii horey uga dhacey wadamada Bariga dhexe. Boqortooyada dalka Qatar ayaa beenisa eedeymahaas uga yimaada wadamada kale ee Kahliijka sida Sucuudiga.

Xiriirka wadamadaan ayaa gaarey heerkii ugu hoseeyey kadib markii dowlada Imaraadka dhowaan xanibaad ku soo rogtey in dalkeeda laga daawado Talefishinka Al Jazeera islamarkaana la booqdo page uu ku leeyahay warbaahiyahaan Internet-ka.

Dadka siyaasada la socda dalka Somalia ayaa welwel weyn ka qaba siyaasadaha is-khilaafsan ay madaxda Somalida kula dhaqmaan wadamada daneeya arimaha dalkooda taasoo dhibaato u keenta in wadankaan yeesho saxiib dhab ah oo wax ka qabta dhibaatooyinka haysta dib u soo kabashada looga baahan yahay dagaalada sokeeye ee wadanka ka socdey muddo ku dhow 30 sano.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somalia ayaa lagu wadaa in booqasho ku tago dalka Masar oo siyaasad ahaan aad u kala fog yihiin wadanka Qatar.

Dowlada Malateriga ee ka jirta wadanka Masar ee uu hogaamiyo General Abdel Fattah el-Sisi ayaa kala wareegtey talada wadanka dowladii uu hogaaminayey Morsi taasoo ka tirsaneyd ururka Akhwaanul Muslmiinka ( Muslim Brotherhood).

Dalka Qatar ayaa tageero xoogan siinayey kacdoonkii ururka Akhwaanul Muslimiin ka sameeyey dalka Masar kasoo xukunka kala wareegey madaxweynihii kaligii taliska ahaa ee Xusni Mubaarak.

Booqashada Qadar, waa safarkiisa 10-aad oo uu Farmaajo Farmaajo ku aado dalka dibadiisa tan iyo markii la caleema-saaray bishii February ee sanadkan.


Xuquuqda warkaan waxaa iska leh GO hadaad rabto inaad xigato ama daabacdo waxaa kala soo xiriirta contact@garoweonline.com

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM