Caabud-waaq: Nin Rasaas ku furay dad Raashin loo qaybinayay

Image

CAABUD-WAAQ, Somalia- Khasaaro xooggan ayaa ka dhashay rasaas nin hubaysan uu ku furay dad Barkacayaal ah oo ku sugnaa Kaam ku yaalla degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud oo dhaca Bartamaha Somalia.

Rasaasta ayaa kusoo aaday xilli Raashin loo qaybinayay dadkaas xilli lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhintay 6 qof, halka dhaawacu marayo 15 qof.

Mid kamid ah Dadka Degan Caabudwaaq ayaa xaqiijiyay in nin hubeysan uu rasaas ku furay dad barakacayaal ah oo raashin loogu qeybinayay, wuxuu intaas ku daray in dadka waxyeelladu soo gaartay ay ahaayeen kuwo file ugu jiray inay deeqdaas qaataan.

Lama oga sababta rasaasta uu ninkaas ugu furay dadka Barkacayaasha ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan bulshadii goobta raashinka lagu qeybinayay.

Mas’uuliyiinta degmada Caabudwaaq ayaa la sheegaya in ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay Falkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM