Caabud-waaq: Nin Rasaas ku furay dad Raashin loo qaybinayay

Image

CAABUD-WAAQ, Somalia- Khasaaro xooggan ayaa ka dhashay rasaas nin hubaysan uu ku furay dad Barkacayaal ah oo ku sugnaa Kaam ku yaalla degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud oo dhaca Bartamaha Somalia.

Rasaasta ayaa kusoo aaday xilli Raashin loo qaybinayay dadkaas xilli lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhintay 6 qof, halka dhaawacu marayo 15 qof.

Mid kamid ah Dadka Degan Caabudwaaq ayaa xaqiijiyay in nin hubeysan uu rasaas ku furay dad barakacayaal ah oo raashin loogu qeybinayay, wuxuu intaas ku daray in dadka waxyeelladu soo gaartay ay ahaayeen kuwo file ugu jiray inay deeqdaas qaataan.

Lama oga sababta rasaasta uu ninkaas ugu furay dadka Barkacayaasha ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan bulshadii goobta raashinka lagu qeybinayay.

Mas’uuliyiinta degmada Caabudwaaq ayaa la sheegaya in ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay Falkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM