Cabdi Xaashi oo ka jawaabay eedeyntii kaga timid Mahdi Guuleed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hadaladii uu Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ku duray afhayeenka Aqalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waa "meel-ka-dhac", sidda uu shaaciyey Senatorka.

Cabdi Xaashi oo u waramay Barnaanijka Bandhiga ee Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sidoo kale wuxuu ku adkeystay mowqifkiisa uu ka qaatay guddiyadda dowladda u magacowday maamulka doorashadda 2020-21.

"Arrintaasi waa gef uu isagu galay, isagay gaar u tahay," ayuu kaga jawaabay markii la waydiiyey weerarka dhanka afka ee kaga yimid Mahdi isla markaana ku tilmaamay in uu yahay "hogaamiyaha wadarta mucaaradka dowladda".

Sharci-dejiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Taliyaha Nabad-sugida, Fahad Yaasiin Daahir, uu doonayo in uu hogaamiyo geedi u socodka lagu soo xulayo xubnaha kamid noqonaya guddiyadda coddeynta soo aadan.

Si gaar ah xubnaha lagu darayo guddiga doorashooyinka wakiilada Somaliland ayuu ka dhawaajiyey in ay doonayaan in ay soo xulaan mas'uuliyiinta kasoo jeeda. "Hadii aysan dhicin waxaa imaaneysa cadaaladaradii ugu weyneyd," ayuu yiri.

Is-qabqabsiga ka taagan guddiyada maamulada doorashooyinka soo aadan oo xuduntiisu tahay in dowladda kusoo dartay xubno sirdoon, shaqaale dowladeed iyo jamaahiirtii Villa Soomaaliya ayaa dib-u-dhac u keeni kara jadwalka.

Laba kamid ah qodobadii ku jiray jadwalka ayaa lasoo dhaafay iyaddoo lagu fuliyey dib-udhac. 10 illaa 20 October waxaa loo muddeeyay dhismaha guddiyada. 1-da November, waxaa loo qorsheeyay bilaabashada xulista Xildhibaanada.

Hay'adda Xasaradaha Aduunka oo ka digtay khilaaf ka dhashay dib-u-dhaca doorashooyinka ayaa ku talisay muddo kororsi loo sameeyay si looga baaqdo khal-khal siyaasadeed, balse fekerkaas waxaa ka hor-yimid mucaaradka.

Dowladda haatan arimineysa waxaa muddo xileedkeeda uga haray in ka yar 100 maalmood, iyaddoo mucaaradka uu horey ugu goodiyey in aysan aqoonsan doonin madaxda haatan jirta hadii waqtigooda dastuuriga ah uu ka dhamaado.

Iyaddoo cawaaqibka ka dhasha firaaq walba oo ku yimaada hay'addaha dowladda madaxda talada haysa, haddana waxa aysan u wanaagsaneyn waddanka oo kasoo kabanaya burbur isla markaana ku taamaya horu socod dimuqraadiyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM