Xukuumadda oo difaacdey guddiyada doorashada ee lagu muransan yahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa difaacdey guddiyadda lagu muransan yahay ee Ra'iisul Wasaare Roobe shaaciyey in ay maamulayaan coddeynta horaanta 2020-ka iyo dhamaadka 2021-ka.

Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ra'iisul wasaare ku xigeenka, ayaa si gaar ah wuxuu dul istaagay Guddiga Doorashada wakiilada Somaliland ee baarlamaanka.

Khadar ayaa xusay in heshiiska doorashooyinka ee ay kala saxiixdeen dowladda iyo maamuladda uu xukuumadda awood u siinayo magacaabida guddiyadda.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka Aqalka Sare baarlamaanka federaalka oo ka hor-yimid magacaabida xukuumadda, ayuu ku eedeeyay "mucaaradnimo".

Balse ra'iisul wasaare ku xigeenka ayaanan soo hadal-qaadin eedeymaha kaga imaanaya Cabdi Xaashi iyo xisbiyada mucaaradka ee ku aadan in guddiyada lagu daray xubno ka tirsan Hay'adda Nabad-sugida iyo Shaqaale dowladeed.

"Aniga ma ogi wax khilaaf ah oo ka dhaxeeya Cabdi Xaashi iyo madaxweynaha…madaxweynuhu waa madaxii dalka, waa astaantii midnimada iyo qaranka, waa ilaaliyihii dastuurka Cabdi Xaashina wuxuu [ka mudan yahay] ixtiraam inta aan anigu ka ogyahay arrimaha guud ahaan dalka ama ha noqoto arrimaha kale ee sharci-dejinta baarlamaanka ama arrimaha kale ee caamka ah ee uga yimaada inta aan ogahay si ixtiraam iyo qadarin leh ayuu ku qaabilaa una wada sheekeystaan laakiin waxaan ogahay Cabdi Xaashi in uu yahay qofka kaliya ee kasoo horjeeda mas'uuliyiinta dowlada in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod diidayna in shacabka ay go'aansadaan masiirkooda," ayuu ku yiri muuqaal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee xiriirka dadweynaha Facebook.

Khadar ayaa ku daray: "Wuxuu mabda'iyan aaminsanaa in doorasho qof iyo cod aan la qaban karin, dalkanna aaney ka dhaceyn loona baahan yahay heshiis siyaasadeed ama khudbadahiisa ayaad ka war haysay oo ay ku caddeyd".

"Inta aan la kulmay 'adiga ayaa hogaan noo ah dalkana oday ka ah' ayay doodeydu ahayd, laakiin dhowrkii sano ee ugu dambeysay sidii aad warbaahinta kala socoteynba ama qoraalada uu soo saarayay waxa ay tusineysay in Cabdi Xaashi uu yahay hogaamiye mucaarad ah – hogaamiyaha mucaaradka dowladda – wuxuuna wiiqay awoodii sharci-dejinta," ayuu hoosta ka xariiqay.

Taageerada maamulada qaar iyo xisbiyada mucaaradka ee qoraalada Cabdi Xaashia ayuu ku qeexay "markhaatiga koowaad" ee muujineysa in uu yahay hogaamiyaha wadarta mucaaradka dowladda waqtiga ka dhamaanayo.

"Heshiiskii uu gudoomiyuhu [Cabdi Xaashi] saxiixay ayuu hadana kasoo horjeedaa," ayuu tibaaxay, isagoo cuskanaya in afhayeenka Senate-ka looga baahnaa in uu diidmadiisa ku caddeeyo fadhigii lagu meelmariyey.

Is-qabqabsiga sii cuslaanaya ee ka taagan guddiyadda doorashooyinka ayaa curyaamin kara yoolka iyo jadwalka doorashooyinka 2020-21 oo qayb kamid ah dib-u-dhac uu ku yimid, taasoo soo cusbooneysiineysa hubanti la'aanta.

Hoos ka daawo Wareysiga Mahdi Maxamed Guuleed

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM