Cabdi Xaashi oo ka qeybgalaya shir ka furmay Qatar [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

DOHA, Qatar - Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qeybgalaya shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuq maasuqa, kaasoo ka furmay maanta Qatar.

Kulanka oo ka socda Doha, waxaa isla shir-Guddoominaya Gudoomiyaha Golaha Shuurada Qatar, Gudoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka(IPU) iyo Gudoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa (GOPAC).

Wafdiga Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe ka baxay magaaladda Muqdisho, iyadoo xalay lagu soo dhaweeyay Doha oo uga qeybgalayo Shirka caalamiga oo mudo labo maalmood ah socon doona.

Xubo katirsan labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku wehlinaya Cabdi Xaashi ka qeybgalka Shirka Ururka Baarlamaannada Adduunka, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Aqalka Sare.

Dowladda Qatar ayaa xiriir dhaw la leh maamulka Madaxweyne Farmaajo, iyadoo dhawaan Muqdisho ka daah-furtay mashaariic dhowr ah oo kamid ah dhismaha jidadka isku xira caasimadda iyo degmooyinka Jowhar iyo Afgooye.

Qatar ayaa saaran mudo 2 sano ah go'doomin dhulka, badda iyo cirka ah, oo ay kusoo rogeen Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn, kadib markii ay xiriirka u jareen June 2017, iyagoo ku eedeeyay xukuumadda Doha inay argagaxisadda maal-geliso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM