​Cadaado: Xubnaha ka socday beesha Caalamka oo la fasaxay [Daawo]

Image

CADAADO, Somalia- Xubnaha ka socday beesha Caalamka ayaa la fasaxay kadib markii ay muddo badan joogeen xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug oo ka socota magaalada Cadaado.

Xafladda oo gabo gabo ku dhow ayaa waxaa ka hadlay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia Michael Keating, wuxuuna Hambalyo u diray Madaxweyne Xaaf isagoo ka codsaday inuu dardargaliyo wadahadallada maamulka Ahlu Sunna isagoo ku hadal qabsaday kalmad ay Somalidu isticmaasho oo ah "Aan wada hadalno waa aan hishiino".

Intaas kadib ayaa guddiga qaban qaabadu waxay fasaxeen xubnaha beesha caalamka oo la sheegay inay baxayaan oo ku laabanayaan goobihii ay ka yimaadeen.

Sidoo kale waxa khubado jeedinaya madaxda maamullada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM