Cali Jayte Cusmaan oo ka hor-yimid xil ka qaadista lagu sameeyay
BELEDWAYNE, HirShabelle - Cali Jayte Cusmaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baledweyne ayaa sheegay in uusan aqoonsaneyn wareegtadii uu xilka uga qaadey madxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen.
"Ma naqaano wax la yiraahdo HirShabelle; waxaan nahay Hiiraan State," ayuu yiri. "Khawaariij iyo HirShabelle isku mid ayaan ula dagaalami doonaa," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Sidda ku xusan wareegtadda, Guudlaawe ayaa talaabada waxa uu qaadey ka gadaal markii uu tixgeliyay talo-soojeedinta madaxwayne ku xigeenka HirShabelle, Yuusuf Dabageed.
"Gobolka Hiiraan waxaa ka mamnuuc ah qof sheeganaya magaca HirShabelle. Sidoo kale, waxaan joojiney duulimaadka cirka iyo dhulka; diyaaradii aan u hogaan-samin amarkeena waan soo diri doonaa," ayuu ku daray hadalkiisa.
Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo digreeto soo saarey ayaa xilkaas waxa uu u magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) kaas oo kamid ah siyaasiyiinta gobolka.
Mas'uulka xilka laga qaadey, Mr Jayte, ayaa waxa uu astaan u ahaa la dagaalanka xoogaga Al-Shabaab gaar ahaan howlgaladda waqti-xaadirkan ka soconaya qeybo kamid ah waddanka.
Bishii hore, Jayte ayaa waxa uu muujiyey in ay jirto kala aragti-duwanaanshiyo ka taagan gulufka cusub ee ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo ay diyaar-garowgiisa waddo dowladda federaalka ah.
Wareysi uu siiyey Barnaamijka Galka Baarista ee laanta afka Soomaaliga Idaacadda VOA-da ayuu ku caddeeyay in khilaafkaas uu salka ku hayo cidda qaadaneysa hogaaminta - shacabka ama dowladda federaalka.
Jayte ayaa 7-dii May, 2023 waxa uu ku dhawaaqay in la mamnuucay gaadiidka sida raashiinka ama shidaalka in ay u safraan deegaannada ay Al-Shabaab ka taliyaan ee ku teedsan webiga Shabeelle.
Illaa iyo waqti-xaadirkan, Jayte ayaan ka hadlin mowqifkiisa ku wajahan xil ka qaadidan. Isku-dayo kala duwan oo khadka telefoonka ah oo lala sameeyay ayaan guuleysan.
Talaabadan ayaa timid xilli ciidamada dowladda Soomaaliya, dadka degaanka iyo saaxiibada caalamka ay waddaan olole milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab kaasoo bilooyinkii lasoo dhaafay xooggiisa uu ka socday gobollada dhexe isla markaana lagu xorreeyay dhul ballaaran.
Falanqeeyeyaasha ayaa rumeysan in xil ka qaadida Jayte ay dhaawac u geysan karto ololaha la dagaalanka Al-Shabaab waxaana ay daliil uga dhigteen gaabiska uu howlgalku galay tan iyo markii is-maan-dhaafka uu soo ifbaxay.
GAROWE ONLINE