Cali Jeyte: "AS waa Dugaag"

Image

MAXAAS, Soomaaliya - Degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigayay Is-Af-garad bulshadda deegaanku ku gaartay la dagaalanka Maleeshiyaadka Shabaab.

Gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan ahna hogaamiyaha bulshada deegaanka, Cali Jeyte Cismaan oo uu dhinac taagan yahay madaxweyne xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar"Dabo-Geed" ayaa ku dhawaaqay Dagaal ay ku cirib tirayaan AS.

"Shabaab waa Dugaag, Dagaalkii aan la galnay sadex meelood hal meel ayaa noo dhinan walaahi Qalbada ayaan kaga kaadinaynaa".

Jeyte ayaa Hormuud u ah Macawiisleyda gobalka Hiiraan oo iyagu jab xoogan gaarsiiyay Alshabaab.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Hassan Shiikh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug isaga oo halkaasi ka hogaaminaya Hawlgalka ka dhanka AS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM