Cali Jeyte: "AS waa Dugaag"

Image

MAXAAS, Soomaaliya - Degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigayay Is-Af-garad bulshadda deegaanku ku gaartay la dagaalanka Maleeshiyaadka Shabaab.

Gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan ahna hogaamiyaha bulshada deegaanka, Cali Jeyte Cismaan oo uu dhinac taagan yahay madaxweyne xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar"Dabo-Geed" ayaa ku dhawaaqay Dagaal ay ku cirib tirayaan AS.

"Shabaab waa Dugaag, Dagaalkii aan la galnay sadex meelood hal meel ayaa noo dhinan walaahi Qalbada ayaan kaga kaadinaynaa".

Jeyte ayaa Hormuud u ah Macawiisleyda gobalka Hiiraan oo iyagu jab xoogan gaarsiiyay Alshabaab.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Hassan Shiikh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug isaga oo halkaasi ka hogaaminaya Hawlgalka ka dhanka AS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM