Carro ka dhalatay hadal uu taliyaha Asluubta "ku faquuqay" naafadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Carro aad u xoogan ayaa waxay ka dhalatay hadal uu Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya "ugu gefay" dadka naafadda ah.

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa si cad wuxuu u sheegay in dadka "isha, lugaha iyo gacmaha la' aan lagu soo biirin karin xoogaga uu hogaamiyo".

Hadalkaas ayaa waxaa aad u cambaareeyay hogaamiyeyaasha Shabakadda ay ku mideysan yihiin Ururka Naafadaha Qaranka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayaa waxay ku tilmaameen in hadalkaas uu "meel ka dhac ku yahay Axdiga Caalamiga ah ee ilaalinta xuduuda naafadda"

Xafiisyadda madaxda ugu sareysa dalka iyo kuwa Beesha Caalamka ayaa waxay cod dheer kaga codsadeen "in ay si degdeg ah uga falceliyaan arrintaan".

"...ayna kula xisaabtaan taliyaha Asluubta faquuqa uu kula kacay dadka aanu lixaadkoodu dhameyn," ayaa lagu yiri bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay GO.

Dadka naafadaha ah oo bulshadda kamid ah ayaa dhibaatooyin noocaan ah waxay kala duwan qaybo kamid ah dadweynaha oo ay ku jiraan mas'uuliyiita.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM