"Farmaajo-Uhuru waxay ku heshiiyeen in khilaafkii jirey layska ilaawo"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa wuxuu sharaxaad dheeri ah ka bixiyey is-afgaradkii dhexmaray Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta.

Labada madaxweyne ayaa galabnimadii Khamiista ku kulmay magaaladda Nairobi oo ay uga wada qeybgaleen shirweyne ay qabanqaabisay Qaramadda Midoobay.

Cawad oo wareysi gaar ah siiyey VOA-da gaar ahaan laanta Af Soomaaliga ayaa tilmaamay in is-afgaradka aysan qayb ka ahayn kiiska badda oo ku adkeystay in Maxkamadda ICJ ay xukmin doonto.

Mar wax laga waydiiyey hadal kasoo yeeray dhigiisa Kenya oo ahaa in Farmaajo "aqbalay" in gal-dacwadeedka lagu dhameeyo qaab labada dal wada ogol yihiin ayuu gabi ahaanba meesha ka saarey.

"Gabadha wasiir waaye anna wasiir baan ahay, waxaan kuu sheegayaa wixii lagu wada hadlay. Waxaan kaloo kuu sheegay madaxweyneyaasha oo wasiirada ka mahiimsan waxay sheegen," ayuu yiri.

Labada hogaamiye ayaa saxaafadda u sheegay in ay isla qaateen soo celinta cilaaqaadka, qaaditaanka xayiraada socdaalka tooska ee Muqdisho-Nairobi iyo in kiiska badda uusameyn xiriirka labada dal.

Doorashadii Jubbaland ee dhowaan ka qabsoontay Kismaayo uuna kusoo baxay madaxweyne Axmed Madoobe balse ay xukuumadda diidey ayaa kamid ah arrimaha keenay khilaafka.

Wasiir Cawad oo wax laga su'aallay arrintaan ayaa ka gaabsaday in uu si gaar ah u dul istaago, balse wuxuu ku adkeystay "madaxweyneyaasha waxay ku heshiiyeen in layska ilaabo khilaafkii horey u jiray".

"Waxaan kuu sheegay in wixii khilaafyo jiray in laga gudbo oo xaalada lagu soo celiyo xiriirka caadiga," ayuu tibaaxay. "Macnaheedu waxay weye in wixii khilaafoo jiray oo labada dal dhexmaray in layska ilaabo".

Wasiir Cawad ayaa hadalkiisa wuxuu kusoo xiray: "Xiriirka caadi lagu soo celiyo…arrinta maxkamaddana aysan si dhib ah aysan u saameyn xiriirkeena".

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ taas oo hoostagta Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in dhageysiga gal-dacwadeedka ay bilowday bisha June 2020, iyadda oo kadib soo saari doonto xukunka oo rafcaan la'aan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM