Cawad oo kusoo baxay doorasho Musharixii la tartamay aan cod helin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahad Cabdalla Cawad ayaa dib loogu doortey kursigii uu ku fadiyay afartii sano ee lasoo dhaafay, kaasoo sumadiisu tahay Hope104, kaasoo sanadkan loo wareejiyay degaan doorashadiisa Galmudug.

Doorashadda oo ay codeeyeen 101 ergo, ayaa waxuu helay Cawad 84 cod, iyadoo Gabar la tartantay oo Shukri Cali Faarax aan helin wax cod ah, sida gudiga doorashadda uu dhaaciyay.

Gudiga wuxuu sheegay in 17 cod ay hallaabeen, inta kalena ay ugu shubeen Mahad Cabdalla Cawad, kaasoo ahaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku-xigeenka 2aad ee Afhayeenka Gollaha Shacabka.

Wuxuu Cawad ku guuleysay kursi kamid ah shanta Kursi ee uu dhawaan Qoor-Qoor ku dhawaaqay inuu doorashadooda qabanayo, waxaana ku sugan Dhuusamareen Yaasiin Fareey, ku simaha agaasimaha NISA oo u tartamaya kursiga hope-67.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM