CC Shakuur oo la kulmay safiirada Mareykanka iyo Britain

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Arbacadii wuxuu Muqdisho kula kulmay laba kamid ah danjireyaasha caalamka u fadhiya caasimadda Soomaaliya.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa sheegay in xubnahaan uu kala hadlay xaalada siyaasada dalka, doorashooyinka sanadka dambe iyo khilaafka dowlada iyo maamulada.

Safiiradda uu la kulmay ayaa kala ah; Donald Yamamoto, oo Mareykanka metela iyo Ben Fender, ergayga dalka Ingiriiska.

War-qoraal ah oo kasoo baxay Wadajir Party ayaa lagu sheegay in kulanka ay qayb ka ahaayeen Guddiga Fulinta Xisbigaas.

"Waxay ka wada hadaleen sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho loo dhanyahay, xiligeedana ku dhacda, Dastuurkana waafaqsan," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah war-saxaafadeed.

Bayaanka ayaa ku daray: "Waxay kaloo ka wada hadaleen arrimaha Galmudug, in la furo saaxada siyaasada, lana ilaaliyo xorriyada hadalka".

Kulamadan ayaa qayb ka ah kuwa ay Beesha Caalamka la yeelaneyso saamildeyda siyaasadda kahor doorashooyinka sanadka dambe oo qorsuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, balse aysan muuqan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM