Ciidamada amaanka oo burburiyay isbaarooyin la dhigtay duleedka Afgooye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Soomaaliya ayaa maanta howlgallo lagu xaqiijinayo amniga waxa ay ka sameeyeen Duleedka Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa bartilmaameed u ahaa wadada isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolkaasi oo halbowle u ah dhaqdhaqaaqa Bulshada ku dhaqan koonfurta dalka.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay soo noqnoqdeen cabashooyinka dadka deegaanka ee ku aadan isbaarooyinka ay wadada dhigteen maleeshiyaatd hubeysan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay ka takhalusi doonaan kooxaha dhaca u geysta dadka, isla markaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan cid kasta oo dhibaato ku ah bulshada.

Waddada Afgooye - Wanlaweyn ayaa muhiim u ah ganacsatada badeecadahooda ka soo daabula Muqdisho ee taga Baydhabo, waxaana lagu tiriyaa inay tahay mid aan ammaankeedu aad u wanaagsanayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM