​Ciidamada Ammaanka Baydhabo oo gacanta ku dhigay rag dil gaystay

Image

BAYDHABO, Somalia- Howlgal ballaaran oo ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ka sameeyeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaa lagusoo qabtay saddex nin oo la sheegay inay ka dambeeyeen dil habeen hore loo gaystay mid kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Barlamanka Somalia.

Kooxdan dilka u gaysatay Sheekh Maxamed Dayr xilli uu ku sugnaa Masaajid ku yaalla Baydhabo, ayaa wararku sheegayaan in qabashadooda ay timid howlga adag oo muddo lagu baacsanayay raggaan.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah eedaysanayaasha, kaasoo markii dambe ciidamada u farmuuqay xubnaha kale ee falka kula jiray. 

Saraakiishu, waxay sheegay in raggaan oo lala xiriirinayo kooxda Al Shabaab caddaaladda la horgayn doono.

Inkastoo aan la sheegay waqtiga xubnaha Maxkamad lasoo taagi doono, hadana maamulka Koonfur Galbeed ayaa wacad ku maray inay u istaagi doonaa adkayn ammaanka iyo soo qabashada shakhsiyaadka dilalka ka fuliya Baydhabo.

Kooxda Al Shabaab ayaa tan iyo doorashadii Barlamanka Cusub, waxay wadeen qur-gooyooyin ka dhan ah dadkii soo doortay Xildhibaanada, waxaana dilal kala duwan ka dhaceen magaalooyinka Somalia qaar kamid ah, kuwaasoo intooda badan aan lasoo qaban dadkii ka dambeeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM