Ciidamada oo soo afmeeray weerarkii hotel SYL; Khasaaraha dhimashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda Soomaaliya ayaa toogtay shan dabley oo mas'uuliyiintu ku sheegeen in ay qaadeen weerarkii fiidnimadii Talaadada lagu ekeeyay huteelka SYL oo ku dhow Madaxtooyadda.

Ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay weerarka xili laga soo badbaadiyey tobanaan kale, sidda uu shaaciyey Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Dadka ku naf-waayey ayaa waxaa ku jira garsoore hore iyo saddex askari, kuwaas oo kamid ahaa ciidamadda iska hor-imaadka la galey dableyda.

Afhayeenka xukuumadda, Ismaaciil Mukhtaar Cumar, ayaa Twitter-ka ku xaqiijiyey in howlgalka "lasoo gabagabeeyay".

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka oo laamaha ammaanka ay ku qaadatay in ay soo afjaraan muddo todoba saacadood ah.

Taliska Booliska ayaa shaaciyey in dhismaha huteelka laga soo badbaadiyey 82 ruux. Ugu yaraan, laba Xildhibaan ayaa dhaawacyo fudud uu soo gaarey.

Warbixin booliska kasoo baxday ayaa lagu sheegay in dableydu gaareysay shan, "dhamaantood-na ay ciidamada amniga toogteen".

Illo wareedyo ayaa warsidaha Garowe Online u sheegay in kooxaha hubeysan ay wateen dareeska bileyska ayna goobta ku tageen gaari nooca ciidanka boolisku qaato ah.

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh shabakadda Al-Qaacida ay weerarto huteelka oo amnigiisa aad loo ilaaliyo ayna degan yihiin mas'uuliyiin dowladeed oo ay ku jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM