Ciidamada Danab oo weeraray Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa weerar ku qaaday guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle Cabdulxakiim Luqman Xaaji, sida uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu caawa qabtay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xaqiijiyay in rasaas xoogan lagu furay xilli isaga iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ay ku sii jeedeen magaalada Muqdisho.

Ciidamada Madaxtooyada ayaa ku guuleystay inay sugaan ammaanka Guddoomiyaha Baarlamaanka, oo si weyn u dhaliilay hab dhaqanka ciidamada gaarka ah ee Deneb.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xaqiijiyay in qaar ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ay ku dhaawacmeen iska horimaadkaasi, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada ammaanka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhankeedii soo saartay bayaan ay ku cambaaraynayso falkan ay ku kaceen qaar ka mid ciidamada Danab, waxayna ballan qaadeen in lala xisaabtami doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM