Ciidamada Danab oo weeraray Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa weerar ku qaaday guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle Cabdulxakiim Luqman Xaaji, sida uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu caawa qabtay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xaqiijiyay in rasaas xoogan lagu furay xilli isaga iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ay ku sii jeedeen magaalada Muqdisho.

Ciidamada Madaxtooyada ayaa ku guuleystay inay sugaan ammaanka Guddoomiyaha Baarlamaanka, oo si weyn u dhaliilay hab dhaqanka ciidamada gaarka ah ee Deneb.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xaqiijiyay in qaar ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ay ku dhaawacmeen iska horimaadkaasi, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada ammaanka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhankeedii soo saartay bayaan ay ku cambaaraynayso falkan ay ku kaceen qaar ka mid ciidamada Danab, waxayna ballan qaadeen in lala xisaabtami doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM