Ciidamada deegaanka ma yihiin kuwa ugu wanaagsan ee looga hortagi karo AS?
MUQDISHO, Soomaaliya - Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Dr, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa dib u qaabeysay xeeladda guud ee dagaalka lagula jiro AS.
Wadahadalka uu madaxweynuhu la yeeshay siyaasiyiinta gobolka iyo odeyaasha dhaqanka ayaa diiradda lagu saaray sida aan xogta ku heleyno dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Tan iyo markii ay si dhab ah uu gobolka Hiiraan uga billowday dagaalka guud ee ka dhanka ah argagixisada, ciidamada deegaanka ayaa bud-dhig u ahaa dagaalkaas oo billowgiisii guulo laga gaaray, gaar ahaan Hirshabeelle iyo Galmudug.
Balse dowladda Federaalka ayaa dadaal cusub u gashay sidii ay mas’uuliyadda dagaalka ugu soo wareejin lahayd Ciidanka Xooga Dalka, tallaabadaas ayaa la warinaya inay gaabis ku keentay howlihii dalka looga xoreynayay argagixisada, waxaana dhacay weeraro galaaftay nolosha tobaneeyo askari, gaar ahaan deegaanka Cowsweyne iyo magaalooyinka Gobolka Galgaduud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isfaham la gaaray saamiileyda Gobolka Hiiraan si ay uga qeyb qaataan dagaalada ka socda Bariga Gobolka Galgaduud, sida ay sheegeen ilo wareedyo ka tirsan dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa dib isku haleyn doonto ciidamada deegaanka oo noqon doona awoodda 1-aad ay dowladda kula diririeyso AS, iyaga oo la diiwangelin doono, loona qori doono gunno sida ay sheegeen mas’uuliin ka tirsan dowladda.
Isbeddellada ka dhashay go’aankan aa isla markii la dareemay, ka dib markii dhawaan la xoreeyay dhawr deegaan oo u dhexeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.
Ciidamada deegaanka ma yihiin kuwa ugu wanaagsan ee looga hortagi karo AS?
GAROWE ONLINE