Ciidamada dowladda oo gobolka Hiiraan kula dagaalamay 'AS'

Image

FARLIBAAX, Soomaaliya - Ciidamada deegaanka ayaa weerar ku qaaday fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan, waxaana weerarkan ka dhashay khasaare soo gaaray Kooxda sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada.

Taliyaha saldhigga Farlibaax Salaad Sheekh ayaa sheegay in ay jab xooggan gaarsiyeen xoogoga ‘AS’ ee ku sugnaa fariisinta oo ku taala meel 60 KM u jirta degmada Farlibaax.

Taliyaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay la wareegeen fariisinta, iyada oo xubnaha AS ay isaga carareen goobta, taliyaha degmada ayaase wali shaacin khasaaraha soo gaaray ciidanka.

Kooxda ‘AS’ ayaa wali ku xooggan galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas ay dowladdu wali ka bilaabin dhaqdhaqaaqa wajiga 1-aad ee howlgallka ka dhanka ah ‘AS’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM